HomeWararHowlgal laga sameeyay xaafado ka tirsan Kismaayo iyo baaritaano socda

Howlgal laga sameeyay xaafado ka tirsan Kismaayo iyo baaritaano socda

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciidanka amniga Maamulka Jubbaland ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay xaafado dhowr ah oo ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayeen falal amni darro. Ciidamada amniga ayaa baaritaano kala duwan ku sameeynayay gaadiidk isticmaalayay waddooyinka Kismaayo inta uu socday howlgalka, iyagoona Ciidanka mararka qaarkood la arkayay […]

- Advertisement -

Ciidanka amniga Maamulka Jubbaland ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay xaafado dhowr ah oo ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayeen falal amni darro.

Ciidamada amniga ayaa baaritaano kala duwan ku sameeynayay gaadiidk isticmaalayay waddooyinka Kismaayo inta uu socday howlgalka, iyagoona Ciidanka mararka qaarkood la arkayay iyaga oo galaya Xarumo ganacsi oo la baarayay.

- Advertisement -

Sidoo kale Ciidanka ayaa la tilmaamay in howlgal gaar ah sameeyeen Guryo ku yaalla xaafadda Guulwade, waxaana dadka qaar la weydiinayay su’aalo la xiriira dhinaca amniga.

Ciidanka amniga Jubbaland ee xalay howlgalka sameeyay ayaa su’aalo dhowr ah weydiinayay dhalinyaro farabadan oo ku sugnaa hareeraha laamiga, waxaana warar qaarkood ee la helayo sheegayaan in Ciidanka howlgalka ay ku qabteen dad dhowr ah.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay dilal qorsheysan, iyadoo halkaas dhawaan lagu dilay maamulihii shirkadda Amal  Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow, sidoo kalena habeen hore qof shacab ah rag hubeysan ay ku dileen Isgoyska Staar ee Kismaayo.

- Advertisement -

Maamulka Jubbaland ayaa horey u sheegay inay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan sidii loo qaban lahaa dadkii ka dambeeyay dilkii loo geystay  Cabdullaahi Shigshigow, waxaana Jubbaland sheegtay in tallaabo laga qaadi cidii loo qabta falkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories