HomeWararDowladda Soomaaliya oo hub farabadan ka dajisay Dhuusamareeb

Dowladda Soomaaliya oo hub farabadan ka dajisay Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay maanta Hub farabadan iyo Rasaas ka dejisay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul Goboleedka Galmudug. Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ayaa waxaa ka degtay Diyaarad sidday sida la sheegay Hub badan iyo rasaas, waxaana la sheegay in hubkaasi loo waday Ciidanka dowladda ee ku sugan […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay maanta Hub farabadan iyo Rasaas ka dejisay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul Goboleedka Galmudug.

Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ayaa waxaa ka degtay Diyaarad sidday sida la sheegay Hub badan iyo rasaas, waxaana la sheegay in hubkaasi loo waday Ciidanka dowladda ee ku sugan Galmudug iyo kuwa Galmudug, kaasi oo la sheegay in loogu tala galay in Ciidanku ay sii laba jibbaaraan dagaalka ay kula jiraan dagaalamyaasha Al-shabaab, oo dhawaanahaan howlgallo ka dhan ah ay ka socdeen degaanada Maamulkaasi Galmudug

- Advertisement -

Hubka ay dhiibtay dowladda Soomaaliya ee ay ku wareejisay Ciidanka ku sugan Galmudug ayaa la sheegay in uu ka kooban Rasaas farabadan iyo hubka noocyadiisa kala duwan, waxana sidday diyaarad khaas ah sida wararku sheegayaan.

Ciidanka ku sugan degaanada Galmudug ayaa la sheegay in ay dhawaan billaabin doonaan howlgallo culus oo Al-shabaab lagula dagaalamayo.

Dhawaan degaanno iyo degmooyin ka tirsan maamulka Galmudug aya waxaa ka socday howlgallo ballaaran oo ay wadeen Ciidanka Maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda eek u sugan degaanada Galmudug, waxaana howlgaladda ugu culus ay ka dhaceen duleedka Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Galmudug.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories