HomeWararCiidanka Puntland oo howlgal qorsheysan ku galay degaano ka tirsan Sanaag

Ciidanka Puntland oo howlgal qorsheysan ku galay degaano ka tirsan Sanaag

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ku galay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas. Ciidanka Daraawiishta ayaa gaaray degmada Laasqoray iyo deegaano kale oo hoostega, halkaas oo dhawaan la wareegeen xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana la sheegay in Ciidanka ay ka sameeyeen howlgal. Saraakiil […]

- Advertisement -

Ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ku galay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas.

Ciidanka Daraawiishta ayaa gaaray degmada Laasqoray iyo deegaano kale oo hoostega, halkaas oo dhawaan la wareegeen xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana la sheegay in Ciidanka ay ka sameeyeen howlgal.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa sheegay in howlgal gaar ah ka fuliyeen degaanka Gurya-samo oo ka tirsan degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidankooda.

Sidoo kale Saraakiisha hoggaaminaya Ciidanka Daraawiishta ayaa warbaahinta ka howlgasha Puntland u sheegay in Ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Gobolka, iyagoona kulan la qaatay qaar kamid ah dadka deegaanka.

Al-shabaab ayaa dhawaan sheegtay inay la wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, isla markaana ay muxaado u jeediyeen dadkii ku sugnaa deegaanada ay tageen, hayeeshee waxaa la sheegay in maalmo kadib ay halkaas isaga baxeen, waxaana gelinkii dambe ee shalay howlgal ku galay Ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories