HomeWararCiidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug  oo Gadooday kana baxay xeryihii ay ku...

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug  oo Gadooday kana baxay xeryihii ay ku sugnaayeen

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ciidamo ka tirsan Darawiishta Maamul Goboiledka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in ay faarujiyeen Xeryihii ay ku sugnaayeen kadib markii ay waaayeen xuquuqdii ay lahaaeen sida wararku sheegayaan. Ciidanka ayaa la sheegay in ay gadoodeen, iyadoo ay ku jireen xerada Dhaankarone ee duleedka Gelinsooor, halkaasi oo in muddo ah ay ku xareysnaayeen. Ciidanka oo xerada […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan Darawiishta Maamul Goboiledka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in ay faarujiyeen Xeryihii ay ku sugnaayeen kadib markii ay waaayeen xuquuqdii ay lahaaeen sida wararku sheegayaan.

Ciidanka ayaa la sheegay in ay gadoodeen, iyadoo ay ku jireen xerada Dhaankarone ee duleedka Gelinsooor, halkaasi oo in muddo ah ay ku xareysnaayeen.

- Advertisement -

Ciidanka oo xerada isaga baxay ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo aad u hubeysan, waxaana ay wataan sida wararku sheegayaan gaadiid gaaray 10 Gaari oo kuwa dagaalka ah, waxaana ay sheegeen Ciidanku in muddo 5 bil ah aysan wax mushaar ah qaadan taasina ay keentay in ay xeradii ay ku jireen ay faarujiyaan.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidanka gadooday ay yihiin Malleyshiyaadkii dhawaan lagu wareejiyay Galmudug, waxaana Ciidankaas wareejiyay odayaasha Dhaqanka.

Dhawaan ayay hayd markii Ciidan farabadan oo ka tirsan Daraawiishta Galmudug ayaa sameeyay gadood, waxaana la hadlay Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi, wixii intaas ka dambeeyana waxaa Xeryahooda dib ugu laabtay Ciidankii Gadoodsanaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories