HomeWararAyax farabadan oo ku habsaday Warsheekh iyo degaano hoostega

Ayax farabadan oo ku habsaday Warsheekh iyo degaano hoostega

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wararka aan ka heleyno degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta degmadaas uu ku habsaday Ayax faro badan oo maalmihii lasoo dhaafay gaaray Gobolkaas. Dadka deegaanka Warsheekh oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay inay arkayaan Ayax raxan raxan u socda oo soo gaarayay degmadaas, isla markaana uu kusii […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta degmadaas uu ku habsaday Ayax faro badan oo maalmihii lasoo dhaafay gaaray Gobolkaas.

Dadka deegaanka Warsheekh oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay inay arkayaan Ayax raxan raxan u socda oo soo gaarayay degmadaas, isla markaana uu kusii faafayo deegaano kale.

- Advertisement -

Sidoo kale Ayaxa ayaa ku habsaday dhul daaqsimeedyo ku yaalla deegaanada kala Bakaaroole, Shiiqyaale, Ruunsheeqow iyo deegaano kale oo dhamaantood hoostega Warsheekh, waxaana laga casbi qabaa inuu baabi’iyo dhul beereedyo kale.

Sawirro laga soo qaaday Ayaxa lagu faafiyay baraha Bulshada ayaa muujiyay in Ayaxa uu ahaa mid raxan raxan u socda, isla markaana qaar kamid  uu dhulka kusoo dhacay, waxaana dadka ay sheegeen inay maqli jireen oo kaliya Ayaxa, hayeeshee ay arkeen.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Ayaxa waxaa uu ahaa mid siweyn ugu soo badanayay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan kuwa hoostega degmada Balcad, halkaas oo uu ku baabi’iyay beero farabadan oo ku yaallay halkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories