HomeWararAkhriso:-Ajendayaasha kulanka Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka

Akhriso:-Ajendayaasha kulanka Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Waxaa Maanta oo Isniin  ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan sheegay in la dardar-gelin doono kulamada Golaha, maadaama waqti xileedka Xildhibaanada uu muddo kooban ka harsan yahay. Sida uu qorshahu yahay Ajendaha kulanka […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta oo Isniin  ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan sheegay in la dardar-gelin doono kulamada Golaha, maadaama waqti xileedka Xildhibaanada uu muddo kooban ka harsan yahay.

- Advertisement -

Sida uu qorshahu yahay Ajendaha kulanka Maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta saddexaad ee Hindise sharciyeedka Hay’ada Diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyadda iyo Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay Xildhibaanada u diray farriimo ku aadan inuu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan kulankaas oo saacadaha soo socda furmi doono.

Xildhibaanada Golaha ayaa maalin kahor ansixiyay wax ka bedelka sharciga Hanti dhowrka guud ee Dowladda, waxaana ogolaatay 145-Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories