HomeWararW/Wasaaradda Shaqada iyo A/Bulshada oo shir Guddoomiyay  kulankiisii ugu horreeyay

W/Wasaaradda Shaqada iyo A/Bulshada oo shir Guddoomiyay  kulankiisii ugu horreeyay

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa maanta guddoomiyey kullan muhiim ah oo  is xog-wareysi ah, kuna saabsanaa Qorshe Howleedka Wasaaradda guud ahaan gaar ahaan Qorshe Howleedyada Waaxyaha,kullanka ayaa ahaa kii  u horreyay tan iyo markii uu xilka la wareegay taariikhda 27 bishii October,2020. Kulankan ayaa lagu soo bandhigay […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa maanta guddoomiyey kullan muhiim ah oo  is xog-wareysi ah, kuna saabsanaa Qorshe Howleedka Wasaaradda guud ahaan gaar ahaan Qorshe Howleedyada Waaxyaha,kullanka ayaa ahaa kii  u horreyay tan iyo markii uu xilka la wareegay taariikhda 27 bishii October,2020.

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta Qorshe howleedyada Waaxyaha Wasaaradda  ee sannadkan  iyo qodobbadii ugu muhiimsanaa ee ka hirgalay,iyadoo diiradda la saaray sidii loo dardargelin lahaa arrimaha dhimman.

- Advertisement -

Wasiir Duraan, ayaa ku ammaanay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, wuxuuna faray in si dhaqso leh loo gudo-galo diyaarinta qorshe howleedka Wasaaradda muddada sagaashka cisho ah ee soo socota.

Wasiirka ayaa tilmaamay arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh oo ay ugu muhiimsan yihiin xoojinta dadaallada shaqo abuurka , xirfadaha,horumarinta bulshada, la-dagaallanka saboolnimada,bad qabka goobaha Shaqada iyo Shaqaalaha, loo shaqeeyaha iyo hagaajinta xiriirka Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlad-gobolleedyada dalka, wasaaradaha la dhigga ah ee caalamka, ururrada Shaqaalaha,hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa dibedda.

“Wasaaradan waxay mas’uul uga tahay Bulshada Soomaaliyeed arrimaha loogu baahida badan yahay ee Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, si taas aan uga dhabeyno waa in ilaa iyo maalinta u dambeysa dadaal galinnaa  sidii is beddello muuqda iyo horumarinta howlaha Wasaaradda ay horey u heysay Bulshada aan ugu usoo bandhigi lahayn,taasna waxaan ku gaareynaa wada-jir iyo in la laba-laabo fulinta howlahaas.” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

- Advertisement -

Kullankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda , Cabdi Axmed Qasim ,Wasiir kuxigeenka,Marwo Sahro Xaaji Xuseen  iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories