HomeWararTaliska Ciidanka Xoogga oo Digniin u diray Ciidamo ku sugan K/Galbeed

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin u diray Ciidamo ku sugan K/Galbeed

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah Baydhabo ugu qabteen Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Baay iyo Guddoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ka dib shir ay yeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida qeybta koonfur Galbeed, looga arinsaneyay Arrimaha amaanka deeganada koonfur Galbeed ayaa […]

- Advertisement -

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah Baydhabo ugu qabteen Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Baay iyo Guddoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ka dib shir ay yeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida qeybta koonfur Galbeed, looga arinsaneyay Arrimaha amaanka deeganada koonfur Galbeed ayaa waxaa laga soo saarey Ammaro ku aadan Askarigii dil ama faldambiyeed geysta una hogaansami waayo Amarka Talihiisa, lala tiigsan doono Shaciga .

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay gaashaanle dhexe Aamiin Mad daruur iyo Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada Gaashanle Sare Aadan Abuukar Maxamed ayaa fariin u direy Ciidamada qeybahooda kala duwan.

- Advertisement -

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Genaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow) ayaa Ciidamada farey in u hogaansamaan Sharciga iyo qaanuunka udegsan dalka kana fogaadaan Falalka gurcan.

Ugu dambeyn Taliye Maxamed Sheikh Cabdullahi ayaa Ciidanka Xoogga qeybta 60aad uga digay inay faragelin ku sameeyaan Arrimaha siyaasadda, Xili Magaalada Baydhabo dhawaan la fileyo in ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories