HomeWararSheekh Shariif oo ka hadlay Ujeedka safarkiisa ee Magaalada Jowhar

Sheekh Shariif oo ka hadlay Ujeedka safarkiisa ee Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay safarkii Maanta uu ku gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay. Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in Jowhar uu u tegay sidii loo xalin ahaa tabashooyinka kala duwan ee laga qabo Doorashada Maamulka Hirshabeelle […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay safarkii Maanta uu ku gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in Jowhar uu u tegay sidii loo xalin ahaa tabashooyinka kala duwan ee laga qabo Doorashada Maamulka Hirshabeelle iyo sidii loo xalin lahaa wax kasta oo tabasho ah oo jira.

- Advertisement -

Waxaa uu u mahadceliyay Sheekh Shariif, Mas’uuliyiinta kala duwan ee Hirshabeelle oo uu horreeyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Faal, xubno kale oo ka tirsan Maamulka iyo dadweyne farabadan, kuwaasi oo siweyn u soo dhaweeyay Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Jowhar waxaa uu kulan uu la qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle, Xildhibaanad Cusub, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan Bulshada, isagoo kala hadli doono arrimo kala duwan.

Socdaalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ku soo aadayaa, iyadoo shalay si rasmi ah loo dhaariyay Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle, kuwaasi oo doortay Guddoon KMG ah, iyagoona kadib dooran doona Guddoonka Baarlmaanka iyo Madaxweynaha hoggaamin doona Maamulkaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories