HomeWararSaraakiisha DF oo sheegay inay qabteen Mootooyin loo adeegsan jiray Miinooyinka

Saraakiisha DF oo sheegay inay qabteen Mootooyin loo adeegsan jiray Miinooyinka

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Ciidanka kumandooska DANAB iyo Ururka 64aad ee Guutada 7aad Qaybta 60aad Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Leego ee hoostega degmada Wanlaweyn ee Shabeellaha Hoose. Saraakiisha hogaaminayay Ciidanka howlgalka fuliyay ayaa sheegay in Ciidanka ay sigaar ah weerar ugu qaadeen goob la tilmaamay inay isku uruursanayeen Al-shabaab oo […]

- Advertisement -

Ciidanka kumandooska DANAB iyo Ururka 64aad ee Guutada 7aad Qaybta 60aad Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Leego ee hoostega degmada Wanlaweyn ee Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha hogaaminayay Ciidanka howlgalka fuliyay ayaa sheegay in Ciidanka ay sigaar ah weerar ugu qaadeen goob la tilmaamay inay isku uruursanayeen Al-shabaab oo ku taalla deegaanka Leego.

- Advertisement -

Saraakiisha waxaa kaloo ay sheegeen in la burburiyay fariisimo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab, isla markaana halkaas dadka looga qaadi jiray lacago, waa sida hadalka looga dhigay.

Sidoo kale Idaacadda codka Ciidamada Qalabka sida ayaa baahisay in intii uu Howlgalka ciidanka socday waxa ay gacanta ku dhigeen mootooyin ay Al-Shabaab u isticmaali jireen miinoyinka.

Ciidamada ayaa howlgalka qorsheysan uu u dhmaaday kadib bilaabay baaritaanno lagu xasilinayo ammaanka Degmooyinka iyo Deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, si looga hortego falal amni darro oo inta badan halkaas ka dhaca.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories