HomeWararMasar iyo Dowladda Soomaaliya oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Masar iyo Dowladda Soomaaliya oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiiru Dowlaha  Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Masar Mudane  Maxamed Nasar iyo Safiir Ku xigeenka dowladda Jarmalka Mudane  Sascha Andreas Kienzle. Safiirrada oo ugu hambalyeeyay xilka dhawaan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa u rajeeyey ka mira-dhalinta shaqooyinka Qaran ee horyaalla, iyagoo […]

- Advertisement -

Wasiiru Dowlaha  Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Masar Mudane  Maxamed Nasar iyo Safiir Ku xigeenka dowladda Jarmalka Mudane  Sascha Andreas Kienzle.

Safiirrada oo ugu hambalyeeyay xilka dhawaan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa u rajeeyey ka mira-dhalinta shaqooyinka Qaran ee horyaalla, iyagoo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wadashaqeynta labo geesoodka ah.

- Advertisement -

Safiir ku xigeenka  dowladda Jarmalka ayaa soo bandhigay qorshaha dowladdiisu ay ka taageereyso Soomaaliya iyo sida ay ugu faraxsan yihiin horumarka, dib u kabashada iyo dowladnimada Soomaaliya oo haatan tallaabo weyn loo qaaday.

Sidoo kale, Danjiraha Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed Nasir oo dul istaagay sooyaalka wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan ka gacansiinta Soomaaliya arrimaha waxbarashada oo aasaas u ah horumarka iyo dowlad dhiska.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha  Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa uga mahadceliyey Danjireyaasha booqashadooda, waxa uuna la wadaagay  dadaalladda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories