HomeWararXildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo Guddoomiye KMG ah doortay

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo Guddoomiye KMG ah doortay

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xilka loo idmaday, kadib Munaasabad ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe. Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada ayaa waxaa ka qeyb Mas’uuliyiin kala duwan oo kamid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka. Guddoomiyaha […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xilka loo idmaday, kadib Munaasabad ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada ayaa waxaa ka qeyb Mas’uuliyiin kala duwan oo kamid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Maxkmadda Rafcaan Hirshabeelle ayaa dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka kooban 99 Xildhibaan, halka markii horey ay u ahaayeen 90, hayeeshee dib looga soo daray xubnahaas oo horey aan loo shaacin.

Intaas kadib Xildhibaanada Baarlamaanka labaad dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa iska dhex doortay Guddoomiye KMG ah oo ka shaqeyn doona Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaas.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa Maxamuud Siyaad Barqadle u doortay inuu nqodo Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka, kaasi oo ah Ninka ugu da’da weyn Xildhibaanada Maamulkaas, isagoona aqbalay xilkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories