HomeWararTaliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Culus kasoo saaray Isbaarooyinka

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Culus kasoo saaray Isbaarooyinka

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan  guutada 5aad qeybta 27-aad ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal ballaaran ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo la sheegay inay ku sugnaayeen Alshabaab. Abaanduulaha guutada 5-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Cabdullaahi Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka Ciidanka la sameeyay inta u dhexeeysa […]

- Advertisement -

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan  guutada 5aad qeybta 27-aad ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal ballaaran ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo la sheegay inay ku sugnaayeen Alshabaab.

Abaanduulaha guutada 5-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Cabdullaahi Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka Ciidanka la sameeyay inta u dhexeeysa degmooyinka Maxaas iyo Baladweyne ee Hiiraan.

- Advertisement -

Ujeedka howlgalka ayuu Abaanduule Cabdullaahi Barre ku sheegay inuu ahaa sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa xiga dhinaca baadiyaha fog-fog.

Abaanduulaha guutada 5-aad ayaa tilmaamay in kaliya Al-shabaab aysan la dagaalameyn balse ay sida Alshabaab ula dagaalami doonaan burcadda Isbaarooyinka wadada u dhigta shacabaka ee dhaca u geysta, isagoo uga digay, qofkii lagu qabtana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27 ayaa dhowr jeer howlgalo kala oo dhan ah Al-shabaab ka sameeyay Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas dhinacyada ku dhexmaray dagaalo geystya Khasaaro kala duwan, sidoo kalena Al-shabaab ay qaraxyo xoogan ka fulisay Gobolka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories