HomeWararSomaliland oo gacanta ku dhigtay Khamri iyo dadkii ka Ganacsanaayay

Somaliland oo gacanta ku dhigtay Khamri iyo dadkii ka Ganacsanaayay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay xaafad ka tirsan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulkaas, iyagoona gacanta kusoo dhigay khamri farabadan. Ciidanka amniga ayaa maanrooriyaha khamriga kasoo qabtay Guri ku yaalla xaafadda Maxamed Mooge ee Hargeysa oo lagu qarinaayay, kadib markii dadka deegaanka ku wargeliyeen in maandooriye lagu iibinayo xaafadda. Afhayeenka Ciidanka Booliska […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay xaafad ka tirsan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulkaas, iyagoona gacanta kusoo dhigay khamri farabadan.

Ciidanka amniga ayaa maanrooriyaha khamriga kasoo qabtay Guri ku yaalla xaafadda Maxamed Mooge ee Hargeysa oo lagu qarinaayay, kadib markii dadka deegaanka ku wargeliyeen in maandooriye lagu iibinayo xaafadda.

- Advertisement -

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland G/sare Faysal Xiis oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in 500 litir oo khamri ah la qabtay iyo 3 caagadood, kuwaasi oo si qarsoodi ah loogu iibinayay gudaha Hargeysa.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in khamriga lala soo qabtay laba eedeeysane iyo gaari ay wateen, kuwaasi oo uu tilmaamay Afhayeenka in la xiray, isla markaana sharciga la horgeyn doono.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay ku jiraan howlgal ballaaran oo looga hortegayo maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, wuxuuna Digniin u diray dadka ganacsada maandooriyaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories