HomeWararShil khasaaro geystay oo Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Shil khasaaro geystay oo Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Faah faahino ayaa laga helayaa shil Goordhow ka dhacay isgoyska Baar-ayaan ee degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in shilkaas uu ka dambeeyay, kadib markii gaari nooca Soomaalida u taqaano Carro-gediska ama iska rogaha uu dul-maray […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa shil Goordhow ka dhacay isgoyska Baar-ayaan ee degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in shilkaas uu ka dambeeyay, kadib markii gaari nooca Soomaalida u taqaano Carro-gediska ama iska rogaha uu dul-maray Mooto Bajaaj mareysay Isgoyska.

- Advertisement -

Mootoda ayaa waxaa la sheegay inay la socdeen laba ruux  iyo Darawalkii waday, isla markaana waxaa la tilmaamay in gaariga oo siday Carro uu ku socday xawaare ah sare, uuna Darawalka xakameyn waayay gaarigaas, sidaasina uu ku dul-maray Mootada.

Labadii ruux ee saarnaa Mootada ayaa waxaa soo gaaray dhaawac Culus, iyadoo mid xaaladiisa Caafimaad aad u liidatay, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, waxaana burbur xoogan uu soo gaaray Mootada.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiligaas goobta ka Agdhawaa ayaa tegay goobta, waxaana halkaas ka baxsaday Darawalkii waday gaariga weyn, iyadoo goobta uu falku ka dhacay ay buux-dhaafiyeen dad farabadan.

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal kala duwan oo geysta Khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhowr jeer gaadiidka iska rogaha ama Carro geriska loo yaqaano uu ku dhacay gaadiid kala duwan, sidoo kalena galay Xarumo Ganacsi, kadib markii uu fariis goostay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories