HomeWararRag loo heysto weerarkii Westgate Mall oo xukun adeg lagu riday

Rag loo heysto weerarkii Westgate Mall oo xukun adeg lagu riday

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Garsoore ku sugan dalka Kenya ayaa xukun 18 sano iyo 33 sano oo xarig ah ku riday laba qof oo ku eedeysnaa iney gacan siiyeen kooxa islaamiyiin hubeysan oo 2013-ki weerar ku qaaday dhismaha ganacsiga ee Wastgate ee laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada Nairbi. Weerarka ay koox hubeysneyd oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku […]

- Advertisement -

Garsoore ku sugan dalka Kenya ayaa xukun 18 sano iyo 33 sano oo xarig ah ku riday laba qof oo ku eedeysnaa iney gacan siiyeen kooxa islaamiyiin hubeysan oo 2013-ki weerar ku qaaday dhismaha ganacsiga ee Wastgate ee laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada Nairbi.

Weerarka ay koox hubeysneyd oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku qaadeen suuqa Westgate ee ku yaalla bartmaha magaalada Nairobi waxaa ku dhintay 67 qof.

- Advertisement -

Dowladda Kenya xilliga weerarkaasi la soo afjarayna waxay sheegtay 4 ka mid ah dableydii weerarka soo qaadday in halkaasi lagu dilay.

Dableyda weerarka soo qaadday ayaa dhismaha ganacsiga ee Wastgate haysatay afar maalmood, weerarkaasi oo lagu sheegay inuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee Kenya ka dhaca.

Xukunkan ay maxkamaddu ridday ayaa ahaa kii ugu horreeyey oo ay maxkamad ka soo saarto weerarka Westgate.

- Advertisement -

Eedeysanayaasha oo seddex toddobaad ka hor dambiga lagu helay, maxkamadda dacwadda qaadeysay waxay sii deysay Liibaan C/llaahi Cumar oo wax dambi ah lagu wayey.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories