HomeWararMuwaadiniin Soomaali ah oo Dil iyo dhaawac loogu geystay Dal ka tirsan...

Muwaadiniin Soomaali ah oo Dil iyo dhaawac loogu geystay Dal ka tirsan Afrika

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenimadii xalay aheyd weerar ku qaaday Muwaadiniin Soomaali ah oo ku sugnaa gudaha Koonfur Afrika, iyagoona u geystay fal isugu jiray dhimasho iyo dhaawac. Burcada ayaa weerarkaas ku qaaday dukaanka ganacsatadan Soomaaliyeed ay ku laheyd deegaan lagu magacaabo Cosmos oo ka tirsan Magaalada Johannesburg, iyagoona halkaas ku […]

- Advertisement -

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenimadii xalay aheyd weerar ku qaaday Muwaadiniin Soomaali ah oo ku sugnaa gudaha Koonfur Afrika, iyagoona u geystay fal isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Burcada ayaa weerarkaas ku qaaday dukaanka ganacsatadan Soomaaliyeed ay ku laheyd deegaan lagu magacaabo Cosmos oo ka tirsan Magaalada Johannesburg, iyagoona halkaas ku dilay laba Soomaali ah.

- Advertisement -

Sidoo  kale Raggii hubeysnaa ayaa horey dhaawac Culus ugu geystya meel ku dhow Cosmos Muwaadin kale oo Soomaaliyeed, isla markaana halkaas ku lahaa goob Ganacsi, kaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad.

Dad yaqaanay laba Marxuum ee la dilay ayaa magacyadooda ku soo gaabiyay  Cabdisalaan Axmed iyo Qeys, iyagoona ahaa Ganacsato hal dukaan ka wada shaqeynayay, waxaana goobta Meydadka ka qaaday Dad kale oo Soomaali ah.

Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogto ah loogu dilaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u raadsaday Ganacsi, waxaana dalkaasi lagu dilay boqolaal qof, iyadoona aysan jirin cid weli iska xil saartay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Soomaalida loo geysanayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories