HomeWararMas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin kusii qulquleysa Magaalada Nairobi

Mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin kusii qulquleysa Magaalada Nairobi

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa kusii qulqulaya Siyaasiyiin, Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka, Musharaxiin Madaxweyne iyo qaar ka mid ah Madaxda dowlad Goboleedyada. Qaar kamid ah Wasiirada Xukuumadda ee Ra’iisul Wasaare oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa gaaray Nairobi, kuwaasi oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku […]

- Advertisement -

Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa kusii qulqulaya Siyaasiyiin, Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka, Musharaxiin Madaxweyne iyo qaar ka mid ah Madaxda dowlad Goboleedyada.

Qaar kamid ah Wasiirada Xukuumadda ee Ra’iisul Wasaare oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa gaaray Nairobi, kuwaasi oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Kenya.

- Advertisement -

Weli lama si rasmi ah looma oga ujeedka socdaalkoodav Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare, hayeeshee warar la helayo ayaa sheegaya in Wasiirada ay Kenya u tageen Arrimo u gaar ah.

Dhawaan Magaalada Nairobi waxaa kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, iyagoona ka wada hadlay Arrimo la xiriira Doorashada dalka ka dhaceysa.

Sidoo kale Kenya ayaa waxaa ku sugan siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga  iyo xubno farabadan oo siyaasiyiin ah.

- Advertisement -

Magaalada Nairobi waxay aheyd meel Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya ay kasoo abaabulan olalahooda Doorashada, tan iyo markii dowladdii KMG aheyd lagu soo dhisay sanadkii 2004-tii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories