HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo War kasoo saaray dhul-gaririirkii ka dhacay Turkiga

Madaxweyne Farmaajo oo War kasoo saaray dhul-gaririirkii ka dhacay Turkiga

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Ugu yaraan 12 ruux ayaa geeriyootay 522-qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii dhul gaririir cabirkiisu yahay 6.6 oo shalay Jimco aheyd ku dhuftay Gobolka Izmir ee dalka Turkiga. Waaxda Gurmadka Deg-dega ah ayaa soo badbaadiyay in ka badan 70 qof oo ku hoos jiray dhimayaashii soo dumay, waxaana weli la wadaa howlgal […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 12 ruux ayaa geeriyootay 522-qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii dhul gaririir cabirkiisu yahay 6.6 oo shalay Jimco aheyd ku dhuftay Gobolka Izmir ee dalka Turkiga.

Waaxda Gurmadka Deg-dega ah ayaa soo badbaadiyay in ka badan 70 qof oo ku hoos jiray dhimayaashii soo dumay, waxaana weli la wadaa howlgal ballaaran oo lagu baadi goobayo dad la la’yahay oo loo maleynayo inay dhulka ku hoos jiraan.

- Advertisement -

Madaxweyneynayaal ayaa ka hadlay dhul gaririirka gelinkii dambe ee shalay ku dhuftay Gobolka Izmir ee dalka Turkiga, iyagoona qaarkood gurmad kala duwan u balan qaaday Turkiga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Qoraal soo dhigay bartiiska Twitter-ka ayuu uga hadlay dhul-gariirkii sababay dhimashada iyo dhaawac ee ka dhacay Gobol ka tirsan Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Turkiga iyo dowladiisa uga tacsiyeeyay dadkii ku naf-waayay musiibadii dhacday, isagoo kuwa ku dhaawacmay u rajeeyay Caafimaad Deg-deg ah, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo Xarumo Caafimaad oo kala duwan.

- Advertisement -

Dhinaca kale Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladda ay u istaagtay sidii loogu gurman lahaa muwaadiniinta uu waxyeelada u geystay dhul giriirka ka dhacay Gobolka Izmir.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories