HomeWararDowlad Muwaadiniinteeda kala baxeysa Muqdisho iyo sababta oo la shaaciyay

Dowlad Muwaadiniinteeda kala baxeysa Muqdisho iyo sababta oo la shaaciyay

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Dowladda Hindiya ayaa shaaca ka qaaday inay Muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ay dhawaan si deg deg ah ugla bixin doonto, iyagoo ka hadlay sababta keentay. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa lagu sheegay in 33 Muwaadin oo u dhashay dalkooda ay dib uga daad-gureyn doonaan Muqdisho, kadib markii […]

- Advertisement -

Dowladda Hindiya ayaa shaaca ka qaaday inay Muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ay dhawaan si deg deg ah ugla bixin doonto, iyagoo ka hadlay sababta keentay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa lagu sheegay in 33 Muwaadin oo u dhashay dalkooda ay dib uga daad-gureyn doonaan Muqdisho, kadib markii in muddo ah ay ku xayiran yihiin Caasimadda dalka.

- Advertisement -

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan daad-gureynta Muwaadiniinta Hindida ah, waxaana la tilmaamay 10 xubnood ay noqoneyso qeybta koowaad ee qaadayo.

Sidoo Afhayeenka oo lagu magacaabo Anurag Srivastava oo warbaahinta la hadlaayay ayaa sheegay in muwaadiniinta Hindida ah aysan 10 bilood wax mushaar ah ka qaadan Shirkad ay u shaqeynayeen intii ay ku sugnayeen Muqdisho.

Isaga oo sii hadlaayay Afhayeenka Wasaaradda ayaa waxaa uu tilmaamay in Shirkadda ay u shaqeynayeen muwaadiniinta hindida laga qaadi doono lacagtii Mushaarka aheyd ee lagu leeyahay.

- Advertisement -

“Wadahadal kadib, madaxda shirkadda waxay isku raaceen in ay bixiyaan lacagaha ay ka doonayaan muwaadiniinta Hindida ah, waxay kaloo sheegeen inay fududeynayaan shaqsiyaadka Hindida ah ee doonaya inay dalkooda ku laabtaan” ayuu yiri Anurag Srivastava.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories