HomeWararAxmed Karaash oo buriyay Go’aan uu gaaray Wasiir ka tirsan Puntland

Axmed Karaash oo buriyay Go’aan uu gaaray Wasiir ka tirsan Puntland

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Maamulka Puntland C/llaahi Cabdi Xirsi ayaa 14-kii bishaan Octoober 2020 kala diray  Guddigii Rugta Ganacsiga Puntland, kuwaasi oo soo shaqeynayay lix sanno, lana doortay sanadkii 2014. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Ismaan Karaash oo Maanta Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku buriyay Warqadii uu Wasiir Cabdullaahi Xirsi ku […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Maamulka Puntland C/llaahi Cabdi Xirsi ayaa 14-kii bishaan Octoober 2020 kala diray  Guddigii Rugta Ganacsiga Puntland, kuwaasi oo soo shaqeynayay lix sanno, lana doortay sanadkii 2014.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Ismaan Karaash oo Maanta Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku buriyay Warqadii uu Wasiir Cabdullaahi Xirsi ku kala diray guddiga Rugta Ganacsiga Puntland.

- Advertisement -

Sidoo kale Qoraalka Axmed Karaash ayaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland loogu wargeliyay in la joojiyay kala diristii Guddiga Rugta Ganacsiga ilaa iyo inta ay dhamaanayaan Doorashooyinka Soomaaliya.

Guddiga uu horey u kala diray 14-kii bishaan Octoober 2020 Wasiir C/llaahi Cabdi Xirsi ayaa waxaa lagu  wargeliyay in shaqadooda ay sii wataan, isla markaana Go’aankaas uu yahay mid kasoo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland C/llaahi Cabdi Xirsi ayaa horey u shaaciyay in Doorashada Guddiga Rugta Ganacsiga Puntland la qaban doono 14-ka bisha soo socota ee November 2020, uuna socdo diyaar garoow.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Axmed Karaash.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories