HomeWararTurkiga oo Ballan qaaday in uu garab istaagi doono dadka Soomaaliyeed

Turkiga oo Ballan qaaday in uu garab istaagi doono dadka Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeya labada dal. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalka Turkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalka Turkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado, isagoo xusay in Xukuumaddiisu ay sii adkeyn doonto xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka dhexeeya.

- Advertisement -

Eng. Rooble ayaa sheegay in xiligan muhiimka ah ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo u baahan in laga caawiyo arrimaha banii’aadamnimada, isagoo uga mahadceliyey taageerada dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo Gargaarka.

“Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo sidii ay dib ugu soo kaban lahayd.Waxaan uga mahad celineynaa Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliyadii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen dalkeenna welina u taagan yihiin garab istaaggeena”.

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa balan qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay in la sii dardargeliyo taageerada aan shuruuddu ku xirnayn ee dalkiisu siiyo Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories