HomeWararPuntland oo lagu eedeeyay in ay Magangalyo siineyso Malleyshiyaad dil ka gaystay...

Puntland oo lagu eedeeyay in ay Magangalyo siineyso Malleyshiyaad dil ka gaystay Galmudug

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Maamulka Puntland ayaa lagu eedeyay in ay Gabbaad sinayaan Dambiilayal la sheegay in ay dil ka gaysteen Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, waxaana ay u baxsadeen Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug, halkaasi oo la sheegay in ay ku dhuumaalaysanayaan. Ciidan ka socda dowladda federaalka iyo Galmudug ayaa gaaray saaxo si ay gacanta ugu dhigaan dambiilayaasha […]

- Advertisement -

Maamulka Puntland ayaa lagu eedeyay in ay Gabbaad sinayaan Dambiilayal la sheegay in ay dil ka gaysteen Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, waxaana ay u baxsadeen Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug, halkaasi oo la sheegay in ay ku dhuumaalaysanayaan.

Ciidan ka socda dowladda federaalka iyo Galmudug ayaa gaaray saaxo si ay gacanta ugu dhigaan dambiilayaasha la sheegay in dilka gaysteen, waxaana dadka degaanka Saaxo iyo waxgaradku ay kusoo war galiyeen Ciidanka in raggii dilka gaystay Saaxo ku sugan yihiin ayna soo gacanta Ciidanka, balse waxaa la sheegay in arrintu is beddashay markii la sheegay in Odayaasha Saaxo uu amar kaga yimid dhanka Punland kaaasi oo ku aaddan in aan la dhiibin dableydii  dadka shacabka kusoo dilay Caabuw-waaq.

- Advertisement -

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo la socday Ciidanka ayaa sheegay in arrintu ay lama filaan ku noqotay, maamulka Puntland na ay jabinayaan heshiis horay loo galay oo ahaa in la oska kaashado soo qabashada dambiilayaasha.

Waxaana ay sheegen Mas’uuliyiintu  in maamulka Puntland uu wado Qorshe raggii la baadi goobayay looga bad-baadinayo gacanta Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug, taasina ay tahay wax laga xumaado.

Maamulka Galmudug ayaa horay waxaa uu gacanta u galiyay Puntland dad falal kala duwan ka gaystay Puntland, kuwaas ii si dhumaalaysi ah kusoo galay Galmudug, waxaana ugu dambeeyay Nin la sheegay in uu kufsi ka gaystay Gaalkacyo oo Puntland lagu wareejiyay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories