HomeWararMaxaa ka Cusub Ololaha Doorashada Madaxtinimada Maraykanka?

Maxaa ka Cusub Ololaha Doorashada Madaxtinimada Maraykanka?

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweyne Donald Trump ayaa olole ka sameyn doona gobollada Michigan, Minnesota iyo Wisconsin, halka madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden uu ka ololeyn doono gobollada Minnesota, Wisconsin iyo Iowa. Michigan ayaa leh 16 cod oo ergada doorashada ah, halka Minnesota iyo Wisconsin uu gobolkiiba leeyahay min 10 ergo, Iowa-na ergadeedu waa 6. Trump iyo Biden […]

- Advertisement -

Madaxweyne Donald Trump ayaa olole ka sameyn doona gobollada Michigan, Minnesota iyo Wisconsin, halka madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden uu ka ololeyn doono gobollada Minnesota, Wisconsin iyo Iowa.

Michigan ayaa leh 16 cod oo ergada doorashada ah, halka Minnesota iyo Wisconsin uu gobolkiiba leeyahay min 10 ergo, Iowa-na ergadeedu waa 6.

- Advertisement -

Trump iyo Biden ayaa Khamiistii ololahooda diiradda ku saaray gobolka Florida ee dhaca koonfur-bari Mareykanka, kaasi oo uu madaxweynuhu ku guuleystay doorashadii 2016-kii.

“Haddii Florida ay noqoto buluug, waa ay dhammaatay. Way dhammaatay,” Biden ayaa sidaasi ka sheegay isu soobax ololihiisa ah oo ka dhacay bannaanka hore ee Broward College, isaga oo buluugga ula jeeday midabka Xisbiga Dimuqraadiga.

Biden ayaa ku dhaleeceeyay madaxweyne Trump qabashada isu soo baxyada ay dadka badan ka qeybgalaan, iyadoo ay jirto xaaladda cudurka safmarka ah ee coronavirus oo aysan inta badan dadka ka qeybgalaya isku soo baxyadaasi xirneyn maaskarooyinka afka lagu daboosho, wuxuuna ugu yeeray “dhacdooyin si weyn u faafinaya,” cudurka.

- Advertisement -

Madaxweynuhu wuxuu “faafinayaa wax ka badan coronavirus. Wuxuu fidinayaa kala qaybsanaanta iyo khilaafaadka,” Biden ayaa ka sheegay isu soo bax labaad oo meel banaan ah lagu qabtay kana dhacay magaalada Tampa, kaasi oo la soo gaabiyay roob halkaasi ka da’ayay awgeed.

Trump, oo la hadlaya dadweyne aad u tiro badan oo ku sugnaa barxad gaadiidka la dhigto ee garoon ku yaalla magaalada Tampa, ayaa mar kale saadaaliyay in codeeyeyaal aad u tiro badan oo Jamhuuri ah ay soo bixi doonaan maalinta doorashada ee 3-da November.

“Waan ku guuleysaneynaa doorashadan si aad u weyn. Waad arki doontaan, ”ayuu madaxweynuhu saadaaliyay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories