HomeWararIn ka badan 140  muhaajirin ah oo ku dhintay biyaha badda  Senegal

In ka badan 140  muhaajirin ah oo ku dhintay biyaha badda  Senegal

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ugu yaraan 140 muhaajiriin ah oo ku sii jeeday Yurub ayaa ku dhintay xeebta Senegal,ka dib markii Dooni ay la socdeen oo sidday laba boqol oo ruux uu dab qabsaday,isla markaana qallibantay,sida maalinimadii Khamiiista ee shalay laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka  IOM . Doontaan oo ka ambabaxday magaalada Mbour oo 100-km  koonfur […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 140 muhaajiriin ah oo ku sii jeeday Yurub ayaa ku dhintay xeebta Senegal,ka dib markii Dooni ay la socdeen oo sidday laba boqol oo ruux uu dab qabsaday,isla markaana qallibantay,sida maalinimadii Khamiiista ee shalay laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka  IOM .

Doontaan oo ka ambabaxday magaalada Mbour oo 100-km  koonfur ka xigta magaalada caasimada ah ee Dakar,ayaa warku intaa ku daray in ay ka badbaadeen 60-ruux, ka dib kolkii ay shilkaasi ku baxeen ciidamada badda ee Senegal ,kuwo ka socday Isbaanishka iyo kaluumeysato.

- Advertisement -

Dowladda Senegal iyo Ururka IOM ayaa gaaray magaalada Saint-Louis,kuwaas oo gargaar degdeg ah u fidiyay,isla markaana qiimeeyay   baahiyaha dadkii ka badbaaday Doontaasi .

Tirada dadka ka ambabaxaya Galbeedka Afrika ee tagaya jasiiradaha Canary,ayaa kordhay ,iyadoo shilkaan uu noqonayo kii ugu waxyeelada badnaa ee la diiwaan geliyo sannadkaan, sida ay sheegtay IOM.

Qiyaastii illaa 414 qof ayaa la ogyahay inay sannadka  ku dhinteen xeebaha kulaala Dalka Senegaal.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories