HomeWararDhacdo Naxdin leh:- Wiil dhalinyaro ah oo la gowracay

Dhacdo Naxdin leh:- Wiil dhalinyaro ah oo la gowracay

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Dhacdo aad u Xanuun badan oo naxdin ku abuurtay dadka degaanka ayaa ka dhacday Dowlad degaanka Soomaali Galbeed, waxaana jira faah faahinno dheeraad ah oo laga helayo dhacdaaas arga-gaxa leh. Dhacdadaan ayaa ka dhacday Magaalaada Dhagaxbuur waxaana ay la yaab ku noqotay Bulshada ku nool Magaaladaas kadib markii dil fool xun loogu gaystay Maxamad Cabdi […]

- Advertisement -

Dhacdo aad u Xanuun badan oo naxdin ku abuurtay dadka degaanka ayaa ka dhacday Dowlad degaanka Soomaali Galbeed, waxaana jira faah faahinno dheeraad ah oo laga helayo dhacdaaas arga-gaxa leh.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday Magaalaada Dhagaxbuur waxaana ay la yaab ku noqotay Bulshada ku nool Magaaladaas kadib markii dil fool xun loogu gaystay Maxamad Cabdi Budul oo ahaa wiil dhallinyaro ah.

- Advertisement -

Marxuumka la dilay ayaa waxa ballamiyay sida la sheegay Nin uu lacag dayn ah ku lahaa, kaasi oo sida la sheegay shir qool u diyaariyay marxuumka, waxaana la sheegay in uu gowracay markii uu u yimid Maxamad Cabdi Budul oo ah Marxuumka la gawracay.

Dhacdadaan ayaa markii ay ka wer heleen dadka degaanka ee ku nool magaalada Dhagaxbuur ayaa waxaa ay ku noqotay mid Arga-gax ku abuurtay, waxaana ay sheegeen dadka degaanku in ilaa iyo hadda ay la yaaban yihiin sida wax u dhaceen.

Ciidanka ammaanka ayaa gaaray goobta falka gowraca ahi uu ka dhacay, waxaana ay sameeyen howlagallo lagu soo qab-qabtay eedeysanihii la sheegay in uu gowracay marxuum Maxamad Cabdi Budul iyo dad la sheegay in ku lug leeyihiin falka, sidoo kale waxaa jira sida la sheegayo tuhmanayaal kale oo iyagana lagu raad joogo.

- Advertisement -

Dhacdada oo ah mid aad u fool xun ayaa dadka degaanku waxaa ay sheegeen in aysan horay uga dhicin degaanka iyo guud ahaa Magaalada dhagaxbuur.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories