HomeWararAkhriso:- Xog ku saabsan Ninkii Weerarka ka gaystay Faransiiska

Akhriso:- Xog ku saabsan Ninkii Weerarka ka gaystay Faransiiska

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Ninkii ku toorriyeey labada gabdhood iyo ninka tan iyo ilaa inta ay ka dhinteen kaniisad ku taal dalka faransiiska ayaa la sheegay in uu ka yimi uun maalmo ka hor dalka Tuniisiya. Eedeysanahan oo 21-jir ah ayaa watay Dukumenti Laanqeyrta Cas ee Talyaanigu oo la siiyey ka dib markii uu Doon Tahriibayaal ku yimid Jesiiradda […]

- Advertisement -

Ninkii ku toorriyeey labada gabdhood iyo ninka tan iyo ilaa inta ay ka dhinteen kaniisad ku taal dalka faransiiska ayaa la sheegay in uu ka yimi uun maalmo ka hor dalka Tuniisiya.

Eedeysanahan oo 21-jir ah ayaa watay Dukumenti Laanqeyrta Cas ee Talyaanigu oo la siiyey ka dib markii uu Doon Tahriibayaal ku yimid Jesiiradda Lampedusa ee Talyaaniga bishii la soo dhaafay. Waxaa toogtay booliska, waxa uuna hadda ku sugan xaalad halis ah.

- Advertisement -

Mid ka mid ah dhibbanayaasha weerarkii Khamiistii ka dhacay Notre-Dame basilica ee magaalada Nice ayaa “gebi ahaanba uu qoorta ka gooyay”.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaana ku tilmaamay falkan “weerar argagixiso oo Islaami ah”.

Falkan ayaa ka daba imanaya weerar kale oo horraantii bishan ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaal waqooyiga-galbeed ee magaalada Paris. Samuel Paty, oo ah macalin, ayaa qoorta laga jaray maalmo ka dib markii uu tusay kartoon sawirka nabi Muxamed NNKH uu ku sheegay qaar ka mid ah ardaydiisa.

- Advertisement -

Dilkaas ayaa sare u qaaday xiisadaha ka taagan Faransiiska. Difaaca Mr Macron ee xuquuqda daabacaadda kartoonada iyo iskudayada dowladda ee ku aaddan la dagaalanka islaamka ah ayaa ka cadheysiiyay Turkiga iyo wadammo kale oo muslimiin u badan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories