HomeWararWeerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay Faransiiska

Weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay Faransiiska

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Saddex qof ayaa ku dhintay weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Nice, ee dalka Faransiiska. Duqa magaalada Nice Christian Estrosi ayaa sheegay in hal qof loo xiray weerarkan oo goor dhow dhacay. Wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Gérald Darmanin ayaa ka codsaday dadka inay ka fogaadaan goobta oo ku taalla bartamaha magaalada Riviera ee […]

- Advertisement -

Saddex qof ayaa ku dhintay weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Nice, ee dalka Faransiiska.

Duqa magaalada Nice Christian Estrosi ayaa sheegay in hal qof loo xiray weerarkan oo goor dhow dhacay.

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Gérald Darmanin ayaa ka codsaday dadka inay ka fogaadaan goobta oo ku taalla bartamaha magaalada Riviera ee dalkaasi Faransiiska.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Faransiiska, haweeney iyo nin ayaa ku dhintay weerarka, qof looga shakiyay inuu weerarka fuliyay ayaana la xiray 10 daqiiqo kaddib.

Booliiska ayaa sheegay in mid ka mid ah haweenka ku dhintay la gowracay.

- Advertisement -

Duqa magaalada Nice ayaa weriyeyaasha u sheegay in eedeysanaha “uu ku celcelinayay” ‘Allahu Akbar’. Daqiiqad aamusnaan ah ayay galeen dadkii ku sugnaa shirka barlamaanka dalkaas, oo uu Ra`iisul Wasaaraha Faransiiska Jean Castex uu ka jeedinayay khudbad.

Nice waxay xuddun u ahayd mid ka mid ah weerarradii ugu ba`naa ee sanadihii la soo dhaafay ka dhacay Faransiiska, iyadoo 14-kii July sanadkii 2016 nin 31 sano jir ah oo u dhashay dalka Tunisia uu gaari xamuul ah dardarsiiyay dad ku sugnaa goob ay xaflad ka dhacaysay, taas oo ay ku dhinteen 86 qof.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories