HomeWararShirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Miisaaniyadda 2021

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Miisaaniyadda 2021

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu meel mariyey ku talagalka Miisaaniyad sanaddeedka Dowladda ee 2021 oo ay qeyb ka tahay qarashka doorashada iyo sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta. Miisaaniyadda guud ee sanadka 2021 ayaa dhan $671.8 million oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah ,Dakhliga Gudaha […]

- Advertisement -

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu meel mariyey ku talagalka Miisaaniyad sanaddeedka Dowladda ee 2021 oo ay qeyb ka tahay qarashka doorashada iyo sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta.

Miisaaniyadda guud ee sanadka 2021 ayaa dhan $671.8 million oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah ,Dakhliga Gudaha 260.1 million iyo Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million.

- Advertisement -

Miisaaniyadda ayaa diiradda saareysa fulinta qorshaha qaranka, waxaana loo qoondeeyey dhanka horumarinta qaddar dhan 38 million, lacagtaas ayaa lagu bixin doonaa arrimo la xiriira.

  1. Caafimaadka
  2. Waxbarashada
  3. Ka hortagga fatahaadaha
  4. Cadaaladda iyo garsoorka
  5. Dib u dhiska waddooyinka
  6. Dastuurka

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku raacay sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta, kuwaas oo isugu jiray xeerar , siyaasado iyo heshiisyadii ay galeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories