HomeWararRa’iisul Wasaare  ku-xigeenka oo dhagax dhigay dib-u-dhiska guriga Hooyooyinka

Ra’iisul Wasaare  ku-xigeenka oo dhagax dhigay dib-u-dhiska guriga Hooyooyinka

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska guriga Hooyooyinka ee loogu magac daray fannaanadii Qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan oo door weyn ka qaadatay wacyigelinta bulshada, xoojinta dareenka wadaniyadeed, dhaqanka, afka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Dhismaha xarunta Hooyo Baxsan ayaa lagu dhisi doonaa barnaamijka isxilqaan ee horay loogu dhisay […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska guriga Hooyooyinka ee loogu magac daray fannaanadii Qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan oo door weyn ka qaadatay wacyigelinta bulshada, xoojinta dareenka wadaniyadeed, dhaqanka, afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Dhismaha xarunta Hooyo Baxsan ayaa lagu dhisi doonaa barnaamijka isxilqaan ee horay loogu dhisay goobaha danta guud ee burburay dagaallada, intii ay dadka Soomaaliyeed sugi lahaayeen in dalkooda u dhisaan gacmo shisheeye.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa tilmaamay in fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan ay kamid ahayd haldoorkii Soomaaliyeed ee kaalinta wanaagsan ka soo qaatay difaaca iyo horumarka dalka, dowladda Soomaaliyana ay mudnaan gaar ah siineyso halgamayaasha bulshada.

“Dib-u-dhiska Guriga Hooyooyinka ee loogu magac daray fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan, waxuu kamid yahay xarumaha lagu dhisayo barnaamijka guuleystay ee isxilqaan oo ku yimid hal abuurkii Madaxweynaha, waxaana dadka Soomaaliyeed xasuusinayaa gacmahood in ay ku dhistaan dalkooda, intii ay sugi lahaayeen shisheeye”.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gargaar, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Haweenka Qaranka, Maareeyaha Wakaallada dhismaha Qaranka, Maareeyaha Tiyaatarka, Ehellada fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan iyo marti Sharaf kale.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories