HomeWararGanacsiyada Yaryar ee Soomaaliya iyaga oo faa’iido doon ah haddana ma xalin...

Ganacsiyada Yaryar ee Soomaaliya iyaga oo faa’iido doon ah haddana ma xalin karaan caqabadaha bulsho?

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ganacsiyada yaryar ee adduunka iyo Soomaaliyaba waxey badankood u dhisan yihiin qaab faa’iido doon ah. Doonistaas joogtada ah ee faa’iida ku dhisan ayaa hoos u dhigtay ka shaqeynta danta guud iyo xalinta cabadaha bulsho. Waxaana sidaa darteed yaraaday kaalinta ay ganacsiyadu ku leeyihiin in ay ka shaqeeyaan fikrado iyo hawlo xal u keeni kara mushkiladaha […]

- Advertisement -

Ganacsiyada yaryar ee adduunka iyo Soomaaliyaba waxey badankood u dhisan yihiin qaab faa’iido doon ah.

Doonistaas joogtada ah ee faa’iida ku dhisan ayaa hoos u dhigtay ka shaqeynta danta guud iyo xalinta cabadaha bulsho. Waxaana sidaa darteed yaraaday kaalinta ay ganacsiyadu ku leeyihiin in ay ka shaqeeyaan fikrado iyo hawlo xal u keeni kara mushkiladaha bulshada dhinacyada badan ka heysta.

- Advertisement -

Balse taas beddelkeed waxaa baryihii dambe jiray kacdoon ku aadan in la abuuro ganacsiyo iyaga oo faa’iido doon haddana xaliya dhibaatada haysata bulshadooda. Kacdoonkaas wuxuu dalal

badan ka caawiyey in kaalintii dawladda ee ka shaqeynta danta guud lagu lamaaniyo kaalinta ganacsata si loo wada gaaro hadafkaas. Wadamada uu kacdoonkaas ka hanaqaaday waayihii dambe waxaa ka mid ah dalkeenna oo ay soo bateen shirkadaha sida gaarka ah mas’uuliyada isaga saaraya in dhibaatooyinka bulshada la xaliyo.

Haddaba barnaamijkaan gaarka oo aan ku eegeyno Ganacsiyada Yaryar ee Soomaaliya iyo Kaalintooda Hal-abuur ee Xalinta Caqabadaha Bulsho ayaan qodobadaas ku faaqidi doonaa.

- Advertisement -

Barnaamijkan waxaa taabogeliyey barnaamijka The Next Economy oo ah mashruuc ka shaqeeya shaqo-abuurka iyo taageerida ganacsiyada yaryar ee dalalka Mali, Nigeria iyo Soomaaliya.

Waxaana barnaamijkan Soomaaliya ka hirgelinaya Machadka Hal-abuurka, Tiknoolojiyada iyo Ganacsiga (IITE Institute) ee Jaamacadda SIMAD.

Barnmaajikaan arrintaas lagu laga gurayo waxaa ka soo qeybgalaya martida kala ah;

  1. Mohamed Okash oo ah Madaxa Hal-abuurka Machadka Hal-abuurka, Tiknoolojiyada iyo Ganacsiga (IITE Institute) ee Jaamacadda SIMAD,
  2. Caa’sha Xasan oo ah aas-aasaha iyo maamulaha Shirkada DOOGDOON, iyo
  3. Cabdiraxmaan Cilmi Afrax oo ah aas-aasaha iyo maamulaha Shirkada Saliida Qumbaha

Shalaambood.

Hoos ka dhagayso Barnaamijka oo dhammeystiran

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories