HomeWararDFS oo War kasoo saartay gafkii Madaxweynaha Faransiiska ee Nebiga NNKH

DFS oo War kasoo saartay gafkii Madaxweynaha Faransiiska ee Nebiga NNKH

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Faransiiska ee uu gafka ugu geystay Diinta Islaamka, taageerona u muujiyay Ninkii Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH. War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah  oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Faransiiska ee uu gafka ugu geystay Diinta Islaamka, taageerona u muujiyay Ninkii Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah  oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso War-saxafaadeedka kasoo baxay Dowladda Somalia oo ay faafisay Madaxtooyada dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah  oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka.

Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka.

- Advertisement -

Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku boorrinaysaa hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories