HomeWararXildhibaano ka hadlay ku dhawaaqista Xildhibaanada Cusub ee Hirshabeelle

Xildhibaano ka hadlay ku dhawaaqista Xildhibaanada Cusub ee Hirshabeelle

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ayaa ka hadlay Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo xalay lagu  dhawaaqay. Xildhibaan Cabduqaadir Carabow Ibraahim oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa hambalyo iyo boggaadin ugu diray Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle, waxaana ku dhawaaqitsta Xildhibaanada uu ku tilmaamay mid […]

- Advertisement -

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ayaa ka hadlay Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo xalay lagu  dhawaaqay.

Xildhibaan Cabduqaadir Carabow Ibraahim oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa hambalyo iyo boggaadin ugu diray Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle, waxaana ku dhawaaqitsta Xildhibaanada uu ku tilmaamay mid aas- aas u ah dhismaha maamul loo dhan yahay.

- Advertisement -

Sidoo kale Xildhibaan Caraboow oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle u  rajeeyay in Alle la garab galo Mas’uuliyada Culus ee loo idmaday.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Barlamaanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo aas- aas u ah dhismaha maamul loo dhan yahay oo u adeega shacabka, Waxaan u rajaynayaa in rabi la garab galo masuuliyadda culus ee dadka reer Hirshabeelle ay u dhiibteen, taas oo ah ammaano culus oo ilaalin iyo ku adeegid mudan” ayuu yiri Xildhibaan Carabow.

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamuud Abuukaato ayaa isna u hambalyeeyay Xildhibaanada Hirshabeelle, isla markaana Alle uga baryay Mudanayaashas in xilka loo dhiibay u fududeeyo. “Waxaa idin horyaalo shaqooyin adag oo muhiim u ah geedi socodka hirshabeellada cusub waxaan idinka fileenaa inaad soo saaridoontaan musuuliyiin Tayo leh samatabixinkarana dadka reer hirshabeele” ayuu yiri Xildhibaan Abuukaato.

- Advertisement -

Guddiga Farsamada ee Hirshabeelle ayaa xalay Magaalada Jowhar kaga dhawaaqay Liiska Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabelle, kuwaasi oo ka kooban 90 Xildhibaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories