HomeWararWeerar lala damacsanaa Guriga Guddoomiye Degmo oo la fashiliyay

Weerar lala damacsanaa Guriga Guddoomiye Degmo oo la fashiliyay

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in la faashiliyay weerar qorsheysan oo la doonayayn in habeenimadii xalay aheyd  laga fuliyo gudaha Magaaladaas. Ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa fashiliyay weerarkaas oo la doonayay in lagu qaado gurriga Guddoomiyana degmada, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in la faashiliyay weerar qorsheysan oo la doonayayn in habeenimadii xalay aheyd  laga fuliyo gudaha Magaaladaas.

Ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa fashiliyay weerarkaas oo la doonayay in lagu qaado gurriga Guddoomiyana degmada, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Puntland.

- Advertisement -

3-Ruux oo hubeysan lana tuhunsan yahay in ay weerarkaas fulin lahaayeen, ayaa kahor isku daygooda weerarka, si lama filaan ah dhexda ugu galay Ciidamada Ilaalada Guriga Guddoomiye Cabdisalaan Bashiir.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in raggaas laba kamid ah ah ay si deg deg ah goobta uga baxsadeen, halka mid kalena la qabtay, isaga oo dhaawac ah, isla markaana la geeyay Xarun Caafimaad.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in markii Isbitaalka lageeyey Ninka la dhaawacay uu isku dayay in uu qoriga ku qabsado Askar ilaalinaysay, Qeybta RAAJADA X-RAY ee gudaha Isbitaalka Boosaaso, balse ayaa rasaas laga maqlay, waxaana mar kale la dhaawacay ninkii la qabtay oo isku dayay inuu baxsado.

- Advertisement -

Ciidanka ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa howlgalo kala duwan ka sameeyay xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyagoo howlgalkaas ku raadinayay raggii hubeysnaa ee baxsaday.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories