HomeWararWeerar khasaaro geystay oo Goordhow ka dhacay Galgaduud

Weerar khasaaro geystay oo Goordhow ka dhacay Galgaduud

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wararka Idaacadda Dalsan ay ka heleyso Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu Goordhow ka dhacay weerar sababay dhimasho. Koox hubeysan oo watay gaari nooca yar ayaa rasaas farabadan ku furay dad shacab ah oo ku sugnaa goob maqaaxi ah oo ku taal Caabudwaaq, waxaana halkaas ka tegay raggii […]

- Advertisement -

Wararka Idaacadda Dalsan ay ka heleyso Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu Goordhow ka dhacay weerar sababay dhimasho.

Koox hubeysan oo watay gaari nooca yar ayaa rasaas farabadan ku furay dad shacab ah oo ku sugnaa goob maqaaxi ah oo ku taal Caabudwaaq, waxaana halkaas ka tegay raggii hubeysnaa ee falkaas geystay.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa soo weriyay in weerarka uu ka dhashay Khasaaro dhimasho, waxaana goobta ku geeriyooday laba oo ku sugnaa maqaaxida, kuwaasi oo magacyadoosa lagu sheegay Shiino farah Gurxaniyo iyo Cabddul diiriye shaaciye.

Ciidanka amniga Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa wada dadaalo lagu doonayo in lagu soo qabto raggii weeerarkaas geystay, iyagoona Ciidanka wada howlgal baaritaano ah.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarkii dhacay uu yahay mid salka ku haayo arrimo la xiriira aano qabiil, isla markaana weerarkaas ay geysteen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah.

- Advertisement -

Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud iyo deegaano kale oo hoostega Magaaladaas ayaa waxaa horey uga dhacay weeraro noocaan oo kale ah oo markii dambe isku bedelay dagaal beeleedyo sababay khasaaro kala duwan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories