HomeCaalamkaWargeys Faransiis oo Sawir-gacmeed ka sameeyay Madaxweyne Erdogan

Wargeys Faransiis oo Sawir-gacmeed ka sameeyay Madaxweyne Erdogan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Turkiga ayaa wacad ku maray inuu tallaabooyin sharci, iyo kuwo diblomaasiyadeed ka qaadi doono sawir-gacmeed uu wargeyska Faransiiska laga leeyahay ee Charlie Hebdo ka sameeyay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Sawir-gacmeedka ayaa muujinaya madaxweynaha Turkiga oo koru qaadaya dharka haweeney xijaaban. Warbaahinta dowladda Turkiga ayaa sheegtay in dacwad oogayaasha dalkaas ay baaritaan ku sameynayaan wargeyskaas. Xiisadda […]

- Advertisement -

Turkiga ayaa wacad ku maray inuu tallaabooyin sharci, iyo kuwo diblomaasiyadeed ka qaadi doono sawir-gacmeed uu wargeyska Faransiiska laga leeyahay ee Charlie Hebdo ka sameeyay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Sawir-gacmeedka ayaa muujinaya madaxweynaha Turkiga oo koru qaadaya dharka haweeney xijaaban. Warbaahinta dowladda Turkiga ayaa sheegtay in dacwad oogayaasha dalkaas ay baaritaan ku sameynayaan wargeyskaas.

- Advertisement -

Xiisadda u dhaxaysa Faransiiska iyo Turkiga ayaa kacsan kaddib markii Madaxweyne Emmanuel Macron uu codsaday in meel adag laga istaago waxa uu ugu yeeray xagjirnimada Islaamka. Mr Erdogan ayaa ugu baaqay dadka Turkiga inay qaadacaan badeecada Faransiiska, wuxuuna sheegay in Mr Macron uu u baahan yahay “baaritaan maskaxeed”.

Sawir-gacmeedka laga sameeyay Erdogan ayaa caro ka dhex abuuray gudaha dowladda Turkiga. Wargeyska ay taageera dowladda Turkiga ee Misvak ayaa isaga oo taas ka jawaabaya daabacay dhowr sawir-gacmeed oo lagu cambaareynayo Mr Macron iyo Charlie Hebdo.

Wargeyska Charlie Hebdo kuma cusba sawir-gacmeedyada lagu muransan yahay.

- Advertisement -

Sanadkii 2015, 12 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday xafiiska wargeyska oo ku yaalla Paris. Waxaa weerarka fuliyay kooxo Islaami ah, kaddib markii wargeyskaas uu daabacay sawir-gacmeed uu ku sheegay nabi Muxamad NNKH.

Isla sanadkaas, Ruushka ayaa si xooggan u cambaareeyay labo sawir-gacmeed oo uu wargeysku ka qoray diyaaraddii ku burburtay Sinai oo ay ku dhinteen 224 qof, oo badankood ay Ruush ahaayeen. Sanadkii 2016, sawir-gacmeed uu ka sameeyay dhibbanayaasha dhulgariir ka dhacay Talyaaniga, ayuu ku tilmaamay samaxan ay baasto ku jiraan, taas oo caro abuurtay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories