HomeWararGanacsade dhawaan lagu dilay Kismaayo oo la sheegay in Ciidanka Axmed Madoobe...

Ganacsade dhawaan lagu dilay Kismaayo oo la sheegay in Ciidanka Axmed Madoobe ay ka dambeeyeen

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Maamulka Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Mcalimoow ayaa Xaqiijiyay in dilka dhacay dhawaan Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose ay ka dambeeyeen Ciidanka Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Guddoomiyaha ayaa u sababeeyay dilka in uu yahay mid Cabsuj galin ah oo uu sheegay in Axmed Madoobe uu doonayo in uu ku cabsi […]

- Advertisement -

Maamulka Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Mcalimoow ayaa Xaqiijiyay in dilka dhacay dhawaan Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose ay ka dambeeyeen Ciidanka Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Guddoomiyaha ayaa u sababeeyay dilka in uu yahay mid Cabsuj galin ah oo uu sheegay in Axmed Madoobe uu doonayo in uu ku cabsi galiyo dadka bulshada wax galka u ah ee aan la dhacsanayn maamulkiisa iyo sida uuw ax u wado Axmed Madoobe, waxaana uu intaas ku daray in Marxuumkii dhawaan lagu dilay kismaayo tiro dhowr jeer ah loo hanjabay loona sheegay in la dili doono.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Maamulka Gobolka Gedo in ay sameeyeen baaritaan dheer oo la xariira habka dilku u dhacay iyo cidda ka dambeysay, waxaana baaritaanka lagu ogaaday in dilkaas ay gaysteen shan Nin oo uu maamulku sheegay in ay ka tirsanaayeen Ciidanka madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Marxuumka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Nuur Shig-shigow oo la tilmaamay inuu ahaa Maamulada Shirkadda Xawaalada AMAL ee Xarunteeda Magaalada Kismaayo, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in loo dilay aanooyin Qabiil, balse Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa sheegay in dilkaas ay ka dambeeyaan Ciidanka Axmed Madoobe.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories