HomeWararDowladda oo Ciidan farabadan u dirtay Degmo lagu dilay dad shacab ah

Dowladda oo Ciidan farabadan u dirtay Degmo lagu dilay dad shacab ah

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Magalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa gaaray Ciidan farabadan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana ay isugu jiraan Millateri, Nabad Sugud iyo Boolis. Ciidanka ayaa waxaa lagu soo dhaweyay Gudaha Caabudwaaq iyadoo ay weheliyaan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda dhexe iyo Maamulka galmudug, mas’uuliyiinta Caabudwaaq gaaray waxaa ka mid ah Wasiirka arrimaha Gudaha […]

- Advertisement -

Magalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa gaaray Ciidan farabadan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana ay isugu jiraan Millateri, Nabad Sugud iyo Boolis.

Ciidanka ayaa waxaa lagu soo dhaweyay Gudaha Caabudwaaq iyadoo ay weheliyaan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda dhexe iyo Maamulka galmudug, mas’uuliyiinta Caabudwaaq gaaray waxaa ka mid ah Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel.

- Advertisement -

Magaalada ayaa waxaa  ka dhacay dil loo gaystay laba ruux oo shacab ah, waxaana dilkaasi uu salka ku hayaaa anooyin qabiil, iyadoo laga cabsi qabo in ay dhaco dagaal la xariira aanadaasi qabiil, waxaana wararku sheegayaan in Ciidanka la gaarsiiyay Caabudwaaq ay ka hortagi doonaan dagaal beleed salka ku haya dhacdadii maanta.

Degaaanada Galmudug ayaa tiro dhowr jeer ah waxaa ka dhacay dagaalada la xariira aanooyinka, waxaana magaalooyin iyo degaanno dhowr ah horay uga dhacay dilal.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories