HomeWararBanaanbax xoogan oo lagu difaacayo Rasuulka SCW oo ka dhacay Muqdisho

Banaanbax xoogan oo lagu difaacayo Rasuulka SCW oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Banaanbax xoogan oo looga horjeeday Madaxweynaha Faransiiska  Emmanuel Macron, kadib markii uu Madaxweynahaas Aflagaadeeyay Diinta, taageerona u muujiyay Ninkii Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH. Waddooyinka qaar ee Muqdisho ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne farabadan oo aad uga careysnaa hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Macron, […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Banaanbax xoogan oo looga horjeeday Madaxweynaha Faransiiska  Emmanuel Macron, kadib markii uu Madaxweynahaas Aflagaadeeyay Diinta, taageerona u muujiyay Ninkii Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH.

Waddooyinka qaar ee Muqdisho ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne farabadan oo aad uga careysnaa hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Macron, iyagoona si weyn u muujinyay sida ay u jecel yihiin Rasuulka SCW.

- Advertisement -

Qaar kamid dadkii dhigayay Banaanbaxa ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah dowladda Faransiiska iyo Madaxweynahooda, waxaana erayada kamid ahaa “Rasuul diiday doonimeyno, waana murtad weyn” iyo erayo kale oo lagu muujinayay inay siweyn uga soo horjeedeen Macron.

Sidoo kale qaar kamid ah banaanbaxayaasha ayaa sheegay inay dagaal ka xigaan qofkii ku xad-gudba Nebi Muxamed NNKH, ayna diigooda u daadin doonaan, iyadoona dadka ku dhawaaqayay Allaahu akbar, Allaahu akbar.

Waxaa kaloo dadka oo isugu jiray Haween iyo dhalinyaro ay nacladeen Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo dadka kale ee taageeray hadalkii uu ugu gafay Diinta Islaamka.

- Advertisement -

Dalal farabadan oo ka tirsan dunida Muslimka ayaa siweyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Emmanuel ee taageeray ugu muujiyay Ninkii  la dilay ee Sawirka ka sameeyay Rasuulka SCW, waxaana dalalka Muslimka ka dhacay banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynahaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories