HomeWararAbaabulka Banaanbax xoogan oo saaka ka socda Magaalada Gaalkacyo

Abaabulka Banaanbax xoogan oo saaka ka socda Magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Waxaa Maanta oo arbaco ah la filayaa in Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lagu qabto Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Farankiiska iyo dowladdisa. Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Gaalkacyo ka wada abaabul xoog leh oo ku aadan sidii ay u dhigi lahaayeen Banaanbax looga horjeedo Madaxweyne Emmanuel Macron, kadib […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta oo arbaco ah la filayaa in Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lagu qabto Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Farankiiska iyo dowladdisa.

Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Gaalkacyo ka wada abaabul xoog leh oo ku aadan sidii ay u dhigi lahaayeen Banaanbax looga horjeedo Madaxweyne Emmanuel Macron, kadib markii uu u gafay Diinta, sidoo kalena taageeray Nin Sawir ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH.

- Advertisement -

Qaar kamid ah Culimada Magaalada oo la hadlay warbaahinta ayaa shacabka qeybahooda kala duwan ugu baaqay inya kasoo qeyb galaan banaanbaxaas la doonayo in Maanta la qabto, isla markaana looga soo horjeedo Madaxweynaha Farankiiska, si loo loo muujiyo Jaceylka Nebi Muxamed NNKH.

Shalay ayay aheyd markii Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ee Somaliland lagu qabtay banaanbax ka dhan ah Maadxweynaha Fanankiisa iyo dowladdiisa, sidoo kalena halkaas lagu gubay Sawiradda Emmanuel Macron.

Dalal farabadan oo ka tirsan dunida Muslimka ayaa siweyn uga carooday hadalkii kasoo yeeshay Madaxweyne Emmanuel, waxaana dalalka Muslimka ka dhacay banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynahaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories