HomeWararXiisad maalintii labaad ka taagan Magaalada Laascaanood iyo casbi jirta

Xiisad maalintii labaad ka taagan Magaalada Laascaanood iyo casbi jirta

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wararka Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas maalintii labaad ay ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa dadka deegaanka iyo Ciidanka Booliska Somaliland. Xiisadan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay Maleeshiyo hubeysan ay si xoog leh xabsiga Laascaanood ugala baxeen dad ku xirnaa oo lagu […]

- Advertisement -

Wararka Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas maalintii labaad ay ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa dadka deegaanka iyo Ciidanka Booliska Somaliland.

Xiisadan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay Maleeshiyo hubeysan ay si xoog leh xabsiga Laascaanood ugala baxeen dad ku xirnaa oo lagu eedeeyay inay dad shacab ah ku dileen weerar ka dhacay Koonfurta Magaaladaas.

- Advertisement -

Saakay ilaa iyo xalay ayaa waxaa gudaha Magaalada laga maqlayaa dhawaqa rasaas oo ay kor u ridayaan Ciidamo hubeysan una abaabulan qaab qabiil, isla markaana meelaha qaarkood dadka u diidaya inay maraan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland lagu daadiyay waddooyinka qaarkood ee Magaalada Laascaanood, kadib markii xalay xabsiga la dhigay Sarkaal ka tirsan Ciidanka oo kasoo jeeda Gobolka Sool.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha Magaalada, isla markaana inta badan saakay ay xiran yihiin goobaha Ganacsiga, dadkuna ay yihiin kuwa aad u cabsanaya, maadaama mararka qaarkood la maqlayo rasaas.

- Advertisement -

Maleeshiyaadkii shalay xabsiga Magaalada Laascaanood kala baxay saddex ruux ayaa dadkaas la aaday dhinaca deegaanka kala-beyr ee dalka Itoobiya, waxaana la sheegayaa inay socdaan qorshe Ciidanka Somaliland ay dib xabsiga ugu soo celinayaa dadkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories