HomeCaalamkaWararkii ugu dambeeyay Qarax lagu le’day oo ka dhacay Iskuul diinta lagu...

Wararkii ugu dambeeyay Qarax lagu le’day oo ka dhacay Iskuul diinta lagu barto

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay 50 kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii uu qarax ka dhacay iskuul diinta lagu barto oo ku yaalla dalka Pakistan, sida ay booliisku sheegeen. Carruur ayaa ka mid ahayd dadka ku dhintay qaraxa, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay. Dhowr qof […]

- Advertisement -

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay 50 kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii uu qarax ka dhacay iskuul diinta lagu barto oo ku yaalla dalka Pakistan, sida ay booliisku sheegeen.

Carruur ayaa ka mid ahayd dadka ku dhintay qaraxa, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

- Advertisement -

Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka oo ka dhacay magaalada waqooyiga dalkaas ku taalla ee Peshawar.

Weli ma jirto ced sheegatay qaraxa, waxaana weli socda baaritaan.

Magaalada Peshawar, oo u dhow xadka Afghanistan, waxaa ka dhacay weerarradii ugu ba`naa, intii uu socday kacdoonka ururka Taliban sanadihii la soo dhaafay.

- Advertisement -

Lix sano kahor, rag hubeysan ayaa galay iskuul milatari oo isla magaalada ku yaalla, iyagoo halkaas ku dilay 150 qof, oo ay carruur badan ku jireen.

Si kastaba, tirada weerarrada ayaa yaraaday sanadihii la soo dhaafay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories