HomeWararUNICEF oo War kulul kasoo saartay Shaqaale Maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho

UNICEF oo War kulul kasoo saartay Shaqaale Maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay ayaa canbaareysay weerar lagu dilay labo ka mid ah shaqaalaha talaalka cudurka dabeysha kaasi oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. War qoraal ah oo uu soo saaray madaxa UNICEF ee soomaaliya Jesper Moller ayaa lagu sheegay in UNICEF ay argaxgaxday falka lagu dilay labo xubnood oo ka mid ah shaqaalaha […]

- Advertisement -

Hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay ayaa canbaareysay weerar lagu dilay labo ka mid ah shaqaalaha talaalka cudurka dabeysha kaasi oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo uu soo saaray madaxa UNICEF ee soomaaliya Jesper Moller ayaa lagu sheegay in UNICEF ay argaxgaxday falka lagu dilay labo xubnood oo ka mid ah shaqaalaha talaalka kuwaasi oo shaqo ku jiray.

- Advertisement -

Shaqaalahan geesiyiinta waxay naftooda halis u galiyeen in adeega caafimaadka oo ay aadka ugu baahanyihiin gaarsiiyaan caruurta nugul ayaa lagu yiri qoraalka.

UNICEF waxay tacsi u dirtay qoyska iyo ehelka ay ka baxeen shaqaalaha gargaarka ee la dilay.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in UNICEF ay si xoog leh u canbaareyneyso weerarka fuleynimada leh ee lagu dilay shaqaalaha waxayna ka codsatay dowlada soomaaliya baarintaan buuxa, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

“Weerarada ka dhanka  ah  shaqaalaha gargaarka waxay xad gudub ku yihiin sharciyada caalamiga” ayaa lasii raaciyay Qoraalka kasoo baxay Hay’adda.

Duhurnimadii Maanta ayaa waxaa degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir lagu dilay Guddoomiye Waaxeed ka tirsnaa degmadaas iyo haweeney oo la socotay, taasi oo la sheegay inay ka shaqeyneysay olole Tallaal ka socday Kaxda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories