HomeWararKhasaaro ka dhashay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Khasaaro ka dhashay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo duhurnimadii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka. Qaraxaas oo ahaa mid gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay Waaxda shanaad ee Kaxda, kadib markii halkaas lagu dilay Guddoomiyihii […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo duhurnimadii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka.

Qaraxaas oo ahaa mid gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay Waaxda shanaad ee Kaxda, kadib markii halkaas lagu dilay Guddoomiyihii Waaxdaas Ibraahim Coloow Cali, ayna gaariga goobta uga tageen ragii ka dambeeyay dilkaas.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaarigaas uu qarxay, xili goobta lagu dilay Guddoomiye Waaxeed ay gurmad u tageen Guddoomiyaha degmada Kaxda, taliyeyaasha Ciidanka degmadaas iyo xubno kale.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf uu ka badbaaday qaraxaas, balse la tilmaamay inuu ku dhaawacmay taliye Ciidan oo ka tirsan degmadaas.

Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay inay qaraxaas ku dhinteen, halka 13 qof kalena uu dhaawac soo gaaray, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla  Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Sidoo kale qaraxaas ayaa waxaa ku burburay Guryo ka dhisnaa Jiingayo oo ku yaallay meel ku dhow goobta uu qaraxu ka dhacay, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday halkaas, laguna faafiyay baraha Bulshada.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ku aadan qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadiisa, hayeeshee Al-shaabab ayaa inta badan sheegta qaraxyadaan oo kale.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories