HomeWararGuddoomiye Waaxeed lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Guddoomiye Waaxeed lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Goordhow xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir waxaa ay ku dileen Guddoomiye Waaxeed ka tirsan Maamulka degmadaas. Dad la hadlay Warqabadka Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Guddoomiye Waaxeed la dilay xili uu ku sugnaa waaxda shanaad Siinka-dheer, isagoona u geeriyooday xabado lagu dhuftay, iyadoo la sheegay in […]

- Advertisement -

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Goordhow xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir waxaa ay ku dileen Guddoomiye Waaxeed ka tirsan Maamulka degmadaas.

Dad la hadlay Warqabadka Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Guddoomiye Waaxeed la dilay xili uu ku sugnaa waaxda shanaad Siinka-dheer, isagoona u geeriyooday xabado lagu dhuftay, iyadoo la sheegay in aysan la socon Ilaalo.

- Advertisement -

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Coloow Cali oo ahaa Guddoomiyhii waaxda shanaad Siinka-dheer ee degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilkaas ka dambeeyay.

Sida caadada aheyd Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Kaxda ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana qaaday Meydka Marxuumka, iyagoona howlgal ka wada Waaxda shanaad Siinka-dheer.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir oo ku saabsan dilkaas, hayeeshee dilka Ibraahim Coloow ayaa waxaa uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay Magaalada Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories