HomeWararFaah faahin:-Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahin:-Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Faah faahino ayaa laga helayaa Qarax daqiiqado kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, sidoo kalena Hawada laga arkayay uuro. Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana uu sigaar ah uga dhacay Waaxda shanaad ee Siinka-dheer dhinaca […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa Qarax daqiiqado kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, sidoo kalena Hawada laga arkayay uuro.

Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana uu sigaar ah uga dhacay Waaxda shanaad ee Siinka-dheer dhinaca degmada Kaxda ee Gobolka.

- Advertisement -

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in gaarigaas uu ku qarxay goobta lagu dilay Guddoomiyihii Waaxda Shanaad ee degmada Kaxda, kadib markii halkaas ay tageen Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Kaxda iyo xubno  kale oo Saraakiil ah.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho, hayeeshee lama oga inta uu la egyahay, waxaana goobta ka jira xaalad adeg.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa gaaray goobta, isla markaana gebi ahaan wadada xiray, sidoo kalena dadka u diidaya inay ka agdhawaadan halkaas.

- Advertisement -

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in gaariga qarxay ay ka tageen ragii hubeysnaa ee dilka u geystay Guddoomiye ibraahim Coloow Cali oo ka tirsnaa Maamulka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories