HomeWararEmirate Airlines oo shuruudo kusoo rogtay rakaabka Dalal ay ku jirto Somalia

Emirate Airlines oo shuruudo kusoo rogtay rakaabka Dalal ay ku jirto Somalia

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wargeyska Khaliij Times ee Magaalada Dubai kasoo baxa ayaa shaaciyay in Shirkadda diyaaradaha ee Emirate Airlines  ay shuruudo hor leh ku xirtay Rakaabka dalal dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya. Warbixin lagu daabacay Wargeyska ayaa lagu sheegay in dadka degan Abu Dubai ee doonaya inay raacaan diyaaradda Emirate Airlines looga baahan yahay in 96 saacadood kahor […]

- Advertisement -

Wargeyska Khaliij Times ee Magaalada Dubai kasoo baxa ayaa shaaciyay in Shirkadda diyaaradaha ee Emirate Airlines  ay shuruudo hor leh ku xirtay Rakaabka dalal dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Warbixin lagu daabacay Wargeyska ayaa lagu sheegay in dadka degan Abu Dubai ee doonaya inay raacaan diyaaradda Emirate Airlines looga baahan yahay in 96 saacadood kahor soo gudbiyaan shahaado cadeyneysa in aysan qabin Cudurka COVID-19.

- Advertisement -

Sidoo kale Khaliij Times ayaa laga soo xigtay in dadka Soomaalida ah ee doonaya inay ku safraan diyaaradda Emirate laga rabo inay heystaan Shahaado Caafimaadka ee sheygeysa in qofka uusan qabnin Cudurka COVID-19, xili Cudurka uu soo laba kacleeyay.

Shirkadda Emirate ayaa sababta dadka looga baahan yahay Shahaado ku caddeeysay inay tahay in Cudurka Coronavirus uu yahay mid halis ah, isla markaana qof kasta oo doonaya in uu  raaco diyaaradeeda qasab ku tahay inuu heysto shahaado Caafimaad.

Dadka rakaabka ah ee dalalkooda shuruudaha Emirate ku rogtay ayaa waxaa kamid ah: Armenia, Australia, Austria, ,Belgium, Bosnia, Brazil, Brunei, Bulgaria, Canada, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Italy, Japan, Maldives Islands, New Zealand, Nigeria, Norway, Oman, Poland, Portugal, Saudi Arabia, Serbia, Somalia, South Africa, , Spain, Sweden, Switzerland, Taiwan, Thailand, Turkey, United Kingdom iyo United States (New York, Washington DC, Boston, Chicago, Seattle).

- Advertisement -

Shirkadda Emirate Airlines ayaa si duulimaad toos ah ku imaan Muqdisho, hayeeshee dadka Soomaalida ah ee doonaya inay tegaan Imaaraadka Carabta ayaa diyaaradda Emirate ka raaca dalalka deriska la’ ah Soomaaliya, waxaana dadkaas ay isugu jiraan Mas’uuliyiin, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo xubno kale.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories