HomeWararDowladda Somalia oo shaacisay kiisas hor leh oo Cudurka COVID-19 ah

Dowladda Somalia oo shaacisay kiisas hor leh oo Cudurka COVID-19 ah

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay Dad Cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19, kadib markii lagu sameeyay baaritaano kala duwan. Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayay ku sheegtay in 5-tii maalin ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 2,432, isla markaana 44 qof oo kamid ah dadkaas laga helay Cudurka, ayna […]

- Advertisement -

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay Dad Cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19, kadib markii lagu sameeyay baaritaano kala duwan.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayay ku sheegtay in 5-tii maalin ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 2,432, isla markaana 44 qof oo kamid ah dadkaas laga helay Cudurka, ayna galeen xaalad karantiil ah.

- Advertisement -

Dhammaan dadka laga helay Cudurka ayaa ku sugan deegaanada Somaliland, waxaana 34 kamid ah dadkaas ay yihiin Rag, halka 10-ka kalena ay yihii Dumar, waxaana Cudurka u geeriyooday 2 qof uu ku dhacay.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aaya sheegtay in maalmihii lasoo dhaafay ay Cudurka halista ah ee COVID-19 ka bogsadeen 19 ruux oo horey looga helay Cudurkaas.

Tirada Guud dadka uu ku dhacay Xanuunka COVID-19 ayaa gaartay 3,941 qof, waxaana ka bogsaday 3,185 ruux, isla markaana gudaha Soomaaliya ay ugu geeriyoodeen 104 qof, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka dowladda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories