HomeWararBanaanbax looga soo horjeeday Farankiiska oo ka dhacay Somaliland

Banaanbax looga soo horjeeday Farankiiska oo ka dhacay Somaliland

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa Maanta waxaa ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga horjeeday Madaxweynaha dalka Faransiiska  Emmanuel Macron, kadib markii uu gafay Diinta Islaamka. Boqolaal dad ah oo isugu jiray dhalinyaro, haween iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada Burco, iyagoona ahaa kuwo aad u careysan taageeridii uu u muujiyay Macron […]

- Advertisement -

Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa Maanta waxaa ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga horjeeday Madaxweynaha dalka Faransiiska  Emmanuel Macron, kadib markii uu gafay Diinta Islaamka.

Boqolaal dad ah oo isugu jiray dhalinyaro, haween iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada Burco, iyagoona ahaa kuwo aad u careysan taageeridii uu u muujiyay Macron Ninkii Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH.

- Advertisement -

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qaran yihiin erayo ka dhan ah dowladda Faransiiska, isla markaana gubayay Sawiradda Madaxweyne Emmanuel Macron, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday.

Dadka dhigaayay Banaanbixii Maanta ka dhacay Magaalada Burco ayaa waxaa qeyb ka ahaan Ganacsato farabadan, iyagoona si Cad u sheegay inay joojin doonaan badeecada ka timaadda Faransiiska.

Ololaha qaadacaadda badeecada uu soo saaro Faransiiska ayaa ku baahay dalal badan oo Carab ah, taa oo ka dhalatay hadalkii Madaxweynaha dalkaas Maron ee ka dib weerarkii lagu dilay macallimkii ardeydiisa tusay sawir lagu sheegay Nebi Muxamed NNKH.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories