HomeWararAkhriso:-Wasiiro dhowr ah oo Maanta si rasmi ah xilalka ula wareegay

Akhriso:-Wasiiro dhowr ah oo Maanta si rasmi ah xilalka ula wareegay

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula wareegeen Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha bulshada  Duraan Axmed Faarax, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Xanifa Maxamed Ibraahim, Hawlaha Guud, Guriyeenta iyo Dib -udhiska  Maxamed Aadan Macallin, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Cumar Cali Rooble iyo Wasiiru […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula wareegeen Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha bulshada  Duraan Axmed Faarax, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Xanifa Maxamed Ibraahim, Hawlaha Guud, Guriyeenta iyo Dib -udhiska  Maxamed Aadan Macallin, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Cumar Cali Rooble iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane C/Kariin Ashkir.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku ammaanay Wasiirrada xilka wareejiyey shaqooyinka adag ee dalka ay u soo qabteen, isagoona ka rajeeyey wasiirrada xilka la wareegay in ay si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Dhankooda, Wasiirrada cusub ee xilka la wareegay ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay sii dardar geliyaan holaha hortabinta u leh dowladnimada dalka ee loo xilsaaray, iyagoo Alle ka baryey in uu ku guuleeyo waajibaadkaas Qaran.

Wasiirrada xilka wareejiyey oo u mahadceliyey howlwadeennada iyo masuuliyiinta Wasaaradaha ee la soo shaqeeyey, ayaa soo bandhigay qorsheyaashii iyo guulihii ay xaqiijiyeen muddadii ay xilka hayeen, waxa ayna u rajeeyeen Wasiirrada xilka kala wareegay in ay sii amba-qaadaan, kuna guuleystaan.

Wasiirrada xilka wareejiyey ayaa kala ah Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha bulshada Mudane Sadiiq Warfaa, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Deeqa Yaasiin, Hawlaha Guud, Guriyeenta iyo Dib -u-dhiska Mudane Cabdi Aadan Hoosoow, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullahi Xaamud.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories